Dugsiga sare – barnaamijka qaranka iyo IB
Barnaamijyada diirada saaraaya waxbarashada jaamacada
Barnaamijyada diirada saaraaya waxbarashada jaamacada ayaa loogu talagalay inay kuu diyaariyaan inaad waxbarashada kusii wadato jaamacad ama kuleej. Barnaamijyada diirada saaraaya waxbarashada jaamacada ayaa kala ah:
- Barnaamijka Ganacsiga iyo Maamulka (EK)
- Barnaamijyada Fanka (ES)
- Barnaamijyada Banii'aadanimada (HU)
- Barnaamijka Sayniska Dabiiciga ah (NA)
- Barnaamijka Cilmiga Bulshada (SA)
- Barnaamijka Tignooloojiyada (TE)
Waxaa sidoo kale waxaa jira barnaamijyo leh taqasuska. Taqasus gaar ah waa koorso waxbarasho oo ku jirta barnaamij qaran taasoo lagasoo leexshay barnaamijka qaran sabab la xariirta inay wax gaar ah diirada saarto. Si aad ugu qalanto diiwaan gelin, waxaad u baahan kartaa maadooyin iyo buundooyin ka badan kuwa caadiyan looga baahan yahay u qalmida barnaamijyada jaamacada diirada saara.
Wixii xog dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijyada qaranka, fadlan booqo webseedka Wakaalada Qaran ee Waxbarashada Sweden.
Barnaamijyada tababarka shaqada
Barnaamijyada tababarka shaqada ayaa aasaasiyan kuu diyaarinaaya inaad shaqayso inta aad nooshahay iyo waxbarashada sare ee shaqada. Barnaamijyadu kuma siinayaan shuruudaha guud ee laga rabo ardayda jaamacada galaysa. Laakiin waxaad taas badelkeed ka helaysaa shuruudaha guud ee jaamacada lagu galo haddii aad kudarto koorsooyinka qaar barnaamijkaaga tababarka shaqada.
Barnaamijyada tababarka shaqadu waa:
- Barnaamijka Ilmaha iyo Dalxiiska (BF)
- Barnaamijyada Guryaha iyo Dhismaha (BA)
- Barnaamijka Korontada iyo Tamarta (EE)
- Barnaamijka Gaariga iyo Gaadiidka
- Barnaamijka Ganacsiga iyo Maamulka (HA)
- Barnaamijka Farshaxanka Gacanta (HV)
- Barnaamijka Huteellada iyo Dalxiiska (HT)
- Barnaamijka Warshadaha iyo Tignooloojiyada (IN)
- Barnaamijka Adeegsiga Khayraadka Dabiiciga ah (NB)
- Barnaamijka Maamulka Maqaayada iyo Cuntada (RL)
- Barnaamijka HVAC iyo Maaraynta Guryaha (VF)
- Barnaamijka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada (VO)
Gudaha barnaamijyada tababarka shaqada, waxaad fursad u heli kartaa inaad ka qaybgasho waxbarashada tababarka dugsiga sare. Tani waxay ka dhigan tahay in ugu yaraan nus kamid ah waxbarashadaada ay ka dhici doonto mid ama dhawr goobaha waxbarashada kamid ah.
Wixii xog dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijyada qaranka, fadlan booqo webseedka Wakaalada Qaran ee Waxbarashada Sweden.
Shahaadada Caalamiga ah (BI)
Barnaamijka Waxbarashada Shahaadada Caalamiga ah ayaa kuu diyaarinaaya waxbarashada jaamacada ama kuleejka. Barnaamijka IB waxaa lagu dhigaa af Ingiriis, muhiimna maaha inaad haysato buundada kama danbaysta ah ee Sweden si aad ugu qalanto barnaamijka IB. Dugsiyada IB da ee Ismaamulka Stockholm ayaa leh shuruudaha diiwaan gelinta oo kaladuwan. Ardayda codsanaaya Waxbarashada Caalamiga ah ayaa badanaa loogu yeeraa imtaxaan. La xariir dugsiga aad doonayso inaad toos u codsato, si aad xog badan uga ogaato imtaxaankooda iyo/ama shuruudaha diiwaan gelinta.
Ogoow, in badan, waxbarashada IB ee Sweden ay qaadato sadex sano. Sanadka koobaad (diyaar garoowga IB) waa diyaar garoow, kaasoo laguu diyaarin doono waxbarashada rasmiga ah ee IB, taasoo aad baran doonto inta lagu jiro labada sano ee haray.
Wixii xog dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka IB, fadlan booqo www.ibo.org.