Codsadeyaasha wadamada kale
Haddii, marka aad codsanayso Fasallada sare e Dugsiga sare, aadana ka diiwaan gashanayn diiwaanka qaran ee dadka Sweden dagan, waxaa jira sababo kaladuwan oo saamaynaaya fursadahaaga in lagaa diiwaan gasho barnaamijka waxbarashada. Diiwaanka bulshada ee Sweden ayaa door muhiim ka ciyaaraysa codsiyada fasallada kore ee dugsiga sare.
Xog ku saabsan diiwaanka dadwaynaha Sweden
Dugsiyada sare ee ku yaala Sweden waxaa loogu talagalay badanaa dhalinta ku dhaqan Sweden. Diiwaanka dadwaynaha ee Sweden ayaa ah diiwaanka ugu muhiimsan ee muwaadiniinta Sweden. Diiwaanka ayaa muhiim u ah go'aaminta in magaaladu ay heli karto magdhaw dhaqaale oo ay dawlada uga helayso arday. Haddii aadan ku jirin diiwaanka dadwaynaha Sweden, waxaa koobnaan karta xuquuqdaada diiwaan gelinta dugsiga sare. Hoos waxaad ka helaysaa liiska qaybaha kaladuwan ee codsadeyaasha, iyo xeerarka qabanaaya. Muwaadiniinta Sweden ee kasoo codsada wadan kale doonaayana inay u soo guuraan Swden waa inay xaqiijiyaan inay ka diiwaan gashan yihiin diiwaanka dadwaynaha kahor intaan la gaarin diiwaan gelinta kama danbaysta ah. Codsadeyaasha haysa buundooyinka kama danbaysta ah ee nidaamka dugsiyada waajibka ah ee Sweden ayaa ku codsanaaya buundooyinkaan. Codsadeyaasha haysta buundooyinka wadamo dibada ah ayaa heli kara in dugsi looga diiwaan gasho cabirka madaxa banaan.
Codsadeyaasha ka socda gobalka Nordic
Codsadeyaasha Nordic ga ah ee ku nool Finland, Denmark, Norway ama Iceland ayaa xaq u leh waxbarashada dugsiga sare ee Sweden. Codsadeyaasha ka socda Nordic ayaa sidoo kale laga reebayaa shardiga hore ee haysashada buundada kama danbaysta ah ee Sweden ama Swedishka oo ah Luuqadooda Labaad si looga diiwaan gasho barnaamijyada qaranka.
Waa inaad la xariirto maamulka magaallada ama dugsiga madaxa banaan ee aad doonayso inaad codsato si aad u hesho xogta ay kaaga baahan yihiin iyo suuragalnimada in lagu diiwaan gelin karo. Waad nalasoo xariiri kartaa si aad u hesho xog xariirka ee maamulka magaallada.
Swedes-ka ku nool Dibada
Haddii aad tahay muwaadin Swedish ah oo ku nool banaanka, waxaa laguu arki karaa inaad haysato aqoonsiga Qurba Joogta Swedes-ka ah haddii masuuliyiintaada sharciga ah ay sidoo kale ku nool yihiin dibada uuna ugu yaraan midkood yahay muwaadin Swedish ah. Sida ku cad Sharciga Waxbarashada Sweden (2010:800), Swedes-ka Dibad jooga ah ayaa dugsiyada kaga codsan kara isla habka ay u codsadaan dadka dagan magaallada ay ka codsanayaan.
Muwaadiniinta EU
Muwaadiniinta Midawga Yurub ee doonaaya inay iska diiwaan gashaan diiwaanka dadwaynaha ee Sweden. Marka lagaa diiwaan gasho diiwaanka dadwaynaha, waxaad ku codsan kartaa isla sida ay u codsanayaan dadka dagan magaallada aad ka diiwaan gashan tahay. Diiwaan gelinnada waxaa fulisa Wakaalada Canshuuraha ee Sweden.
Muwaadiniinta Midawga Yurub ee aan ku jirin diiwaanka dadwaynaha ee Sweden. Waa inaad la xariirto maamulka magaallada ama dugsiga madaxa banaan ee aad doonayso inaad codsato si aad u hesho xogta ay kaaga baahan yihiin iyo suuragalnimada in lagu diiwaan gelin karo. Waad nalasoo xariiri kartaa si aad u hesho xog xariirka ee maamulka magaallada.
Diblimaasiyiinta
Codsadeyaasha aan ahayn muwaadiniin Swedish ah laakiin ka shaqeeya safaarad ku taala Sweden doonaayana inay codsadaan dugsiga sare. Waa inaad la xariirto maamulka magaallada ama dugsiga madaxa banaan ee aad doonayso inaad codsato si aad u hesho xogta ay kaaga baahan yihiin iyo suuragalnimada in lagu diiwaan gelin karo. Waad nalasoo xariiri kartaa si aad u hesho xog xariirka ee maamulka magaallada.
Haddii aad hadda ka diiwaan gashan tahay sanadka 9 ee dugsi qasab ah oo ku dhex yaala ismaamulka Stockholm, ama magaalooyinka Håbo ama Gnesta, waxaad heli doontaa xogta gelitaanka oo boostada laguugu soo diraayo.
Magangalyo doonka
Da'yarta kayar 18 sano ee magangalyo doonka ah ayaa xaq u leh waxbarashada dugsiga sare ee Sweden, waana inay keenaan nuqulka kaarkooda LMA ee shaqaynaaya si looga diiwaan gasho dugsiga.
Qaxootiyaasha difaaca ka haysta Amarka Difaaca Ku meel Gaarka ah (Massflyktsdirektivet) waa inay keenaan kaarka deganaanshaha oo sheegaaya inay ku jiraan difaaca ku meel gaarka ah.
Soo galootiga sharci darada ah
Soo galootiga sharci darada ah ee kayar 18 sano ayaa wax u leh inay wax ka bartaa Sweden. Arintaan ayaa qusaysa dhalinta ogolaanshahooda daganaanshuhu dhacay, codsigooda daganaanshaha la diiday, ama yimid Sweden ayagoo aan u tagin maamullada.
Dugsiga ardaydu ka diiwaan gashan yahay marka uu codsanaayo dugsiga sare waa inuu keenaa cadaynta ardayda oo ah inuu yahay soo galooti bilaa sharci ah.
Codsadeyaasha Kale
Si aad wax ugu barato Sweden, waxaad u baahan doontaa ogolaanshaha degenaansho. Arag xogta kasoo baxday Wakaalada Socdaalka ee Sweden oo ku saabsan ogolaanshaha deganaansha ee Sweden.