U qalmida dugsiga sare
Si aad u gasho dugsiga sare, waa muhiim inaad:
- Dhamayso fasalka sagaalaad ee dugsiga qasabka ah ama heer waxbarasho oo u dhigma
- Waa inaadan horey uga qalin jebin dugsi sare
- Waa inaad biloowdaa dugsiga sare (fasalka koobaad) ugu danbayn nuska koobaad ee sanadka aad gaarto dhalashadaada 20aad.
Waa inaad ku codsataa dugsiga sare buundooyinkaaga dugsiga qasabka ah. Si laguugu diiwaan gasho cabirka madaxa banaan inta lagu jiro heerka ugu danbeeya diiwaan gelinta, waxaad u baahan tahay, marka lagasoo tago Ingiriisiga iyo Xisaabta, inaad ku baastay luuqada Swden (shardigaan waa ka reeban yahya Waxbarashada Caalamiga ah, markaas oo aysan qasab ahayn in buundadaada laga eego luuqada Sweden). Ayadoo ku xiran barnaamijka, dugsiga ayaa sidoo kale ku waydiisan kara buundooyinka kama danbaysta ah ee maadooyinka kale.
Barnamaijyada diirada saaraaya siiwadista waxbarashada ee heer jaamacadeed, waxaad u baahan tahay inaad ku baasto:
- Ingiriisiga
- Xisaabaadka
- Swedish
- Iyo 9 maado oo kale (tusaale, 12 maado wadarta guud)
Barnaamijka Sayniska Dabiiciga ah iyo Barnaamijka Tignooloojiyada, 3 kamid ah maadooyinka waa inay noqdaan Bay-oolaji, Fiisigis iyo Kimistari.
Barnaamijka Maamulka Ganacsiga, Barnaamijka Banii'aadanimada iyo Barnaamijka Cilmiga Bulshada, 4 kamid ah 9 maado ee aad u baahan tahay inaad ku baasto waa Juquraafiga, Taariikhda, Cilmiga Bulshada iyo Diinta.
Barnaamijka Farshaxanka, mid uun kamid ah 9 maado ayaa u qalma.
Barnaamijyada tababarka shaqada, waa inaad ku baastaa:
- Ingiriisiga
- Xisaabaadka
- Swedish
- Iyo 5 maado oo kale (tusaale, 8 maado wadarta guud)
Haddii aadan haysan buundada ugu danbaysay ee midkood ama ka badan maadooyinka qasabka ah, waxaad la xariiri kartaa ‘Sofia Distans’ (www.sofiadistans.nu), oo ah urur waxbarasho oo oonlaynka ku baxsha maadooyinka dugsiga qasabka ah ee af Swedishka ah (dadka u dhashay Sweden).
Codsadeyaasha wadamada Nordic (Finland, Denmark, Norway iyo Iceland) ayaan u baahnayn buundo ay ka haystaan afka Sweden si ay ugu qalmaan diiwaan gelinta.