Barnaamijyada horudhaca ah
Haddii aadan u qalmin barnaamijka qaranka ama Waxbarashada Caalamiga ah, waa suuragal inaad codsan karto barnaamijka horudhaca ah. Waxaa jira afar barnaamijyada horudhaca ah:
- Dookha Barashada Barnaamijka (IMV)
- Horudhaca Barashada Shaqada (IMY)
- Badelka Gaarka ah (IMA)
- Horudhaca Luuqada (IMS)
Barnaamijyada horudhaca ah waxaa loogu talagalay inay siiyaan ardayda aan u qalmin barnaamijka qaran koorso waxbarasho oo gaar ah oo buuxinaysa baahiyaha kaladuwan ee waxbarashada ardayda siinaysana marinnada waxbarashada oo qeexan. Barnaamijyada horudhaca ah ayaa loogu talagalay inay ku baraan xirfad aad ku shaqaysato ayna ku siiyaan aasaaska ugu fiican ee waxbarasho dheeri ah.
Xeerka ugu muhiimsan waa in ardayda u qalma barnaamijyada kale aysan u baahnayn barnaamijka horudhaca ah. Magaalada aad dagan tahay ayaa masuul ka ah bixinta waxbarashada diyaar garoowga ah, horudhaca tababarka shaqada, dookhyada gaarka ah iyo barashada luuqada.
Dookha Barashada Barnaamijka
Ujeedada Dookha Barashada Barnaamijka waa in ardayda dugsiga qasabka ah ee aan helin u qalmida barnaamijka gaarka ah ee qaranka ay awoodaan inay wax bartaan si ay u soo kabaan shuruudaha ka maqan. Tan ayaa qusayn karta maaha ardayda aan u qalmin barnaamijyada tababarka shaqada ama barnaamijka diyaar garoowga waxbarashada sare, laakiin sidoo kale ardayda keliya u qalma barnaamijka tababarka shaqada laakiin doonaaya inay bartaan barnaamijka diyaar garoowga waxbarashada sare.
Dookha Barashada Barnaamijka ayaa lagu baran doonaa maadooyinka dugsiga qasabka ah ee ardaygu uusan ka gaarin buundo sare shardigana u ah u qalmida barnaamijka gaarka ah ee qaran.
Casharka Tababarka Shaqada
Ujeedada Casharka Tababarka Shaqada waa in ardaydu ay helaan waxbarasho tababar shaqo ah oo u sahlaysa inay suuqa ka shaqeeyaan ama keenaysa inay bartaan barnaamijka tababarka shaqada. Casharka Tababarka Shaqada waxaa loo samayn karaa midkood koox arday ah ama arday keligii ah. Ardayda aan keenin buundada baasida laga rabay si ay u galaan barnaamijka shaqada ayaa u qalma Casharka Tababarka Shaqada. Hase yeeshee, Casharka Tababarka Shaqada ayaan u furnayn dadka la siiyay Horudhaca Barashada Luuqada.
Badelka Gaarka ah
Ujeedada Badelka Gaarka ah waa in ardaydu ay u gudbaan Casharka Tababarka Shaqada, ilaa noocyada kale ee waxbarashada ama suuqa shaqaalaha. Badelka Gaarka ah waxaa loo sameeyay ardayga gaarka ah. Ardayda aan keenin buundada baasida laga rabay si ay u galaan barnaamijka shaqada ayaa u qalma Badelka Gaarka ah. Hase yeeshee, Badellada Gaarka ah ayaan u furnayn dadka la siiyay Horudhaca Barashada Luuqada.
Barashada Luuqada
Ujeedada Barashada Luuqada waa in la siiyo dhalinta ku cusub Sweden waxbarasho adkaynaysa aqoontooda luuqada Sweden, si ay ugu fududaato inay u gudbaan dugsiga sare ama heerarka kale ee waxbarashada. Barashada Luuqada waxaa loo sameeyaa ardayga gaarka ah. Ardayda aan haysan buundooyinka baasida ah ee looga baahan yahay barnaamijyada tababarka shaqada dhawaanna u soo guuray Sweden (sidaas awgeedna u baahan waxbarasho diirada saaraysa luuqada Sweden) ayaa u qalma barashada Luuqada.